U bood dhigaalka

Qaraxyo Ka Dhacay Syria Oo Dad Ay Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan waxaa ku dhimaty 31 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale qarax lala beegsaday dhismaha maxkamadda ugu weyn Syria taasoo ku taallo caasimadda Dimishqa.

Qof naftiis hure ah oo isku soo xiray suumanka qarxa ayaa waxa uu isku qarxiyay dhismaha maxkamadda cadaalada ee Syria, qofkaan ayaa  waxa uu qarxay markay ciidamada booliska ay u diideen inuu gudaha u galo dhismaha.

Dhanka kale qof kale ayaa sidoo kale waxa uu isku qarxiyay meel aan ka fogeyn meesha uu ka dhacay qaraxa hore kaas oo lala beegsaday maqaayad ku taalay halkaas, marka la isku daro khasaaraha ay geesteen labada qarax  ayaa waxa uu gaarayaa ugu yaraan 31 qof iyo dhaawaca tiro kale.

Qaraxyadaan ilaa iyo hadda cidna ma sheegan mas’uuliyaddooda kuwaas oo lala beegsaday meelaha ay gacanta ku hayso dowladda Syria.

Sabtidii la soo dhaafay ayay ahayd markii sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday dad xujey shiico ah, waxaana  ku dhintay dad gaaraya  40 qof, dadkaan oo intooda badan ka yimid waddanka Ciraaq.

Qaraxyadaan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli waddanka Syria laga xusaayo sanad guuradii lixaad ee ka soo wareegatay  markii uu bilowday kacdoonka looga soo horjeedo madaxweynaha dalka Syria Bishaar Al-asad, dagaalka Syria ayaa waxa uu isku badalay dagaal caalami ah,  kaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya ku dhawaad 320 kun oo qof, halka ay ka qaxeen guryahooda dad kale oo gaarya 11malyan oo qof.

Goobjoog News