U bood dhigaalka

Qaraxyo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Dayniile Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo saakay ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Hal qof oo haweeney ah ayaa qaraxyadan ku dhimatay, Saddex kale oo Labo ka mid ah askar yihiin waa ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmadaasi.

Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay xaafadda raadeelka ee degmada Dayniile, waxaana lala eegtay askar ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugnaa.

Qaraxii Labaad ayaa ka dhacay albaabka hore isbitaal ku yaalla meel aan ka fogeen halka uu ka dhacay qaraxii Koowaad, waxaana lala eegtay gaari lagu waday askartii dhaawacantay.

Haweeneyda geeriyootay ayaa la xaqiijiyey inay ka shaqeyneysay isbitaalka uu qaraxa Labaad kahor dhacay, waxaana dhammaan qaraxyadan la sheegay inay ahaayeen Miinooyin dhulka lagu aasay.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo gaaray xaafadda Raadeelka ee degmada Dayniile ayaa wada howlgallo baaritaanno ah, welina arrintan faaah faahin buuxda kama aanay bixin maamulka degmada Dayniile.

Goobjoog News