U bood dhigaalka

Qaraxyo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Xuduudda Ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya xuduudda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya inay ka dhaceen qaraxyo.

Qaraxyadani oo ahaa nuuca dhulka la geliyo ee meelaha fog fog laga hayo ayaa ka dhacay meel u dhaxeysa xuduudda ay wadaagaan magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dad ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News in labo qof ay ku dhaawacantay oo shacab ah iyo askari ka tirsan dowladda Kenya.

Booliska Kenya ayaa qiray jiritaanka qaraxyadani oo si weyn looga maqlay Mandheera iyo Baladxaawo, waxaana soconaya baaritaanno.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ee xuduudda labada dal ku sugan ayaa wada howlgallo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay qaraxyadaasi.

Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia wuxuu sheegay in hal qarax oo kaliya uu dhacay loogana shakisan yahay Alshabaabka ka dagaallama Soomaaliya mar uu la hadlay warbaahinta Kenya.

Dhanka Soomaaliya weli saraakiisha maamulka degaanka Baladxaawo kama aynaan hadlin qaraxyadaasi saaka ka dhacay inta u dhaxeysa Baladxaawo iyo Mandheera.

Goobjoog News