U bood dhigaalka

Qaraxyo Siyaabo Kale Duwan Uga Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa intiii lagu guda jiray Afurka waxaa qeybo kamid ah  laga maqlay tiro qaraxyo ah, kuwaas oo siyaabo kale duwan uga dhacay dhor degmo oo caasimadda ah, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sida ay wax u dhaceen.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in qaraxyada dhacay ay ka ahaayeen kuwa lagu soo qariyay Baco, kuwaas oo la dhigay degmooyin caasimadda, waxaana ay sheegeen in looga gil lahaa in bulshada afuraysa  lagu qalqalgaliyo, ee ku nool caasimadda.

Qaraxyada ayaa waxaa sidoo kale xigay rasaas xooggan oo inta badan ay riyadeen ciidamada, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegaayaan in ciidanka ammaanka ay bilaabeen howlgallo dheeri ah, magaalada Muqdisho ayaa deganeyd bisha Ramaadaan.

Bulshada caasimadda ku nool ayaa 14kii cisho ee tagtay nabad ku afurayay iyadoo aan caasimadda laga maqal wax qaraxyo, ciidanka ammaanka ayaa sidoo kale waday howlgallo dheeri ah, iyagaa oo sidoo kale baaritaanno ka waday xaafadaha degmooyinka Muqdisho.

Goobjoog News