U bood dhigaalka

Qardho: Booliiska Oo Dagaal Kula Jira Burcad Xaalufin Ka Heysa Dhirta Iyo Dhuxusha

Sheeko:Dalka

Taliska Booliska Degmada qardho ee Gobolka Bari ayaa sheegay inay Gacanta kudhigeen Kooxa Burcad ah oo deganadaasi dhibatoyinj kagesatay.

Taliyaha Booliska saldhiga degmada qardho Cabdi wali maxamuud oo lahadlay Gobjoog News waxaa sidoo kale uu sheegay inay la dagalmayaan dadka kuhaya xaalufinta dhirta ee dhuxasha sameeya taasi oo horay ay amar uugasoo sareen.

Sidoo kale waxaa uu tilmamay inay siwadayaan hawlgalada ammaanka ay kusugayaan oo si joogta ah ay usamenayaan ciidamada Booliska.

Deegaanno ka tirsan Puntland waxaa ka jira burcad khatar ku heysa deegaanka, iyagoo xaalufin ugu dhaqaaqay dhirta si ay uga ganacsadaan dhuxusha.

Goobjoog News