U bood dhigaalka

Qashin Lagu Soo Daadiyo Xilliyada Habeenkii Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho inta badan waxaa ku soo laablaabta qashinka lagu soo daadiyo.

Jidka soddonka waxaa ganacstada ku leh xarumaha ganacsi ay ka qayb-qaataan nadaafadda laamiga kaasi oo  waddo Fiyaallo ah.

Ganacsatada ayaa Goobjoog News u sheegay in xilliyada habeenkii la soo dhigo waadooyinka waaweyn qashin ku jira jawaanno, kaasi oo wax u dhimaya bilicda waddooyinka dib loo hagaajiyey.

Maxamed Diini Cali Ganacsade waxa uu yiri “Laamigaan aad arkeysid waxaan ku bixinay nadaafaddiisa daal maaddaama na loo dhisay, annaga ka shacab ahaan waxaa mas’uuliyad naga saaran tahay in aan ku dadaallo nadaafadda waddooyinka, qof walba inuu hagaajiyo nadaafadda wadada qaybta uu ka dagan yahay ayaa habboon”.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa waxa ay ka digeen qashinka lagu soo daadiyo waddooyinka, waxa ay intaas ku dareen in qashinka lagu soo daadiyo Laamiyada laga dhaxli karo cudurro.

Dr Cabdulqaadir Mire Rooble waxa uu ka yiri qashinka la soo dhoobo waddooyinka “Qashinka la soo dhigo waddooyinka waa dhaqan xun oo bulshadu waayihii dambe ay caadeysatay, waxaa ka dhalan karo arrintaasi cudurro haddii aan si sax ah loo maareyn”.

Waddooyinka Muqdisho waxaa intooda badan ka muuqda dayac iyo nadaafo darro, marka laga reebo qaar yar oo dadka ku leh ganacsiga ay ku dadaaleen nadaafaddooda.

Goobjoog News