U bood dhigaalka

Qashinka Lagu Shubo Xeebta Muqdisho Oo Saameeyay Wax Soo Saarka Kalluunka

Sheeko:Dalka

Nadaafad kama jirto halkaani, waa meel ku dhow kawaanka Kalluunka lagu iibiyo ee degmada Xamar-weyne, qashinka halkani dhooban waxa uu badda uga yimaadaa sida ay noosheegeen dad xog ogaal ah degmada Xamar-weyne waaxyaheeda kala duwan.

Goobtaan iyo meello kale oo ku teedsan xeebta Muqdisho qashinka waxaa la keenaa habeenkii waxaana la kulmay isaga oo badda lagu shubayo Axmed Jabal oo ka mida Kalluumeysatada gobolka Banaadir.

“Qashinkaan qaar maqaayadaha ayaa laga keenaa qaarna waxaa laga keenaa suuqyada qaarna waxaa laga keenaa Xamar-weyne gudaheeda xaafadaha, habeenkii intii gaari dameerro lagu soo raro ayaa meeshaan la keenaa waxaan ku jirnaa dhibkaasi”.

Haraadiga cuntada maqaayadaha, baco ,caagadaha biyaha, saxaro oo badda lagu shubo ayaa sababay in Kalluunkii laga heli jiray badda uu yaraado sidoo kalena ay Kalluumeysatada ay soo jillaabtaan Malaay aan bad qabin caafimaad ahaan sida uu sheegayo Prof Xasan Meyre oo ku taqasusay culuumta badda.

“Qashinkaasi lagu shubayo Labo arrin ayuu sababaa midda koowaad waxay tahay baddii ayuu ku abuuraa wasaqow, wasaqowgaas waxaa uu keenayaa meeshii in lagu dabaallan waayo, lagu raaxeysan waayo, Soomaalida waan naqaan mararka qaarkood dharka ayey ku dhaqdaan, dharka in lagu dhaqan waayo ayuu keenaa haddii dabaal ay caruurta u tagaan korkiisa waxay ku abuuree xasaasiyad, midda Labaad waxaa baaba’aya bilicdii badda waxaa kaloo baaba’aya noolihii badda ku jiray”.

Wasaqda badda ayaa lagu arkay meello ka baxsan gobolka Banaadir sida ay ku waramayaan dadka ku nool degamada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose kuwaas oo sheegay Malaay badda ay soo tuftay.

Si looga gudbo dhabar go’a ku imaanaya Malaayga xeebaha  Soomaaliya gaar ahaan deegaannada badda laga wasaqeeyo waxaa uu ku talinayaa Prof Xasan Meyre sidan.

“Waxaan talo ka soo jeedin lahaa inta qashinka uu kuu jiro ayuu cudurka kuu jiraa waxaan rabaa inaan u sheego dadka ka shaqeeya ilaalinta deegaanka lacagaa looga qaadaa dadka in qashinka laga fogeeyo marka waa in la geeyo meelaha loogu talogalay qashinka in la geeyo, waxaan rabaa inaan u sheego musqulaha laga qaado magaalada Curubo ayaa lagu shubaa marka lagu shubana waxaa ka dhaco wasaqeyn ay keeneyso badda waxaana ku dhimanayo Kalluun cusub”.

Sargaal u hadlay Qaramada Midoobay gaar ahaan laanteeda ilaalada badaha ayaa sheegay in wadamo ku yaallo qaaradaha Yurub iyo Asia ay xeebaha Soomaaliya ay kusoo shubeen qashin aad u faro badan taasna ay ka dhalato inuu yaraado kalluunkii laga heli jiray xeebaha Soomaaliya.

Goobjoog News