U bood dhigaalka

Qatar Iyo Itoobiya Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Ku Qotoma Difaaca, Ganacsiga Iyo Dalxiiska

Sheeko:Dalka

Dowladaha Itoobiya iyo Qatar ayaa waxay kala saxiixdeen heshiisyo ku qotoma dhowr dhinac si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labadooda.

Saxiixa heshiisyad ayaa yimid ka dib markii amiirka Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamada iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Haile Mariam ay kulan ku qaateen caasimadd Dooxa.

Wakaaladda wararka Qatar ee Qena ayaa waxay sheegtay in kulanka ay qaateen labada mas’uul lagu soo bandhigay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa dhanacyadiisa kala duwan gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dalxiiska iyo maalgashiga.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa isniintii gaaraya magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar isaga oo ku tagay booqasho aan la shaacin mudada ay qaadaneyso,waxaana lagu tiriyaa socdaalkiisa kii koowaad oo uu Qatar ku tago tan iyo markii uu dhacay khilaafkii u dhaxeeyay Qatar iyo dowladaha Khaliijka.

Bishii June 10 dii ayey Itoobiya ku dhawaaqday inay ku biireyso dadaallada dhexdhexaadnimo oo ay wado dowladda Kuwait taasi oo lagu qaboojinaayey xiisadda Khaliijk.

Booqashada Hailemariam Desalegn ayaa imaaneysa ka dib booqasho uu ku tagay amiirka Qatar Itoobiya bishii Apriil ee sanadkii 2016, waxaana lagu tirayaa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago wadan ku yaallo geeska Afrika tan iyo markii uu xilka la wareegay.