U bood dhigaalka

Qatar Oo Bilowdey Dhoofsashada Sagaarada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar oo loo sii marinayo safaaraddeeda Soomaaliya ayaa loo ogolaaday inay dalkeeda u dhoofsato duurjoogta nooceedu yahay Sagaaro gaaraya (14 Sagaaro), sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Arrimaha kale, ee qoraalka wasaaradda ku jiray waxaa ka mid ah in duurjoogta ay dhoofsaneyso Safaaradda caafimaadkooda la baaray, iyadoo warqada fasaxa loo diray Hey’adaha ay quseyso.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud Maxamed Cumar Nuur, laakin Goobjoog News xiriir ay la sameysay wasiirka uma suuro-gelin inay hesho wax xog ah.

Goobjoog News