U bood dhigaalka

Qatar Oo Dowladda Soomaaliya Ku Wareejisay 30 Gaadhi Oo Ay Ciidamada Booliisku Ku Howlgali Doonaan

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa kala wareegtay dhiggeeda Qatar soddon gaari oo loogu talagalay in Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay ku shaqeeyaan, gawaaridaan ayaa waxaa Qatar  kala wareegay wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow.

Wasiirka oo hadlay ayaa waxa uu sheegay in gawaaridaan lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya ay timid ka dib markii uu booqasho ku tagay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaasi oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha gudaha ee Qatar isaga oo waqtigaasi u sheegay in uu dowladda Soomaaliya taageeri doono.

Wasiirka amniga ayaa ka hadlaya sida loo maareyn doono gawaadhidaan waxa uuna yiri “Waxaan rabaa in aan u mahad-celiyo dowladda Qatar, safar aan ku tagay Qatar waxaan kula kulmay ra’iisulwasaaraha dalka Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha Cabdalla Binu Naasir, ka dib waxa uu ballan-qaad sameeyay in dowladda Soomaaliya uu taageeri doono, taageeradisii maanta ayey bilaabatay waxa uu noo keenay soddon baabuur oo Laan-guruusar ah dowladda Soomaaliyana ay ugu deeqeen looguna talagalay Booliiska”.

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray in dowladda Qatar ay ka sugayaan qalabyada casriga ah ee wax lagu baaro kuwaasi oo la dhigi doono garoonka Aadan Cadde iyo goobaha ay ciidamadu  wax ku baaraan ee kaantaroollada, iyada oo sidoo kale Qatar ay ballanqaadday in qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya ay siin doonto tobabarro.

Goobjoog News