U bood dhigaalka

Qatar Oo Gaadiid Ku Wareejisay DFS

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa maanta oo Talaado ah waxay 30 gaari ku wareejisay mamaulka gobolka Banaadir, waana gaadiid Basaska, kuwaasi oo dhowr maalin ka hor laga soo dejiyey magaalada Muqdisho

Gaadiidkaan ayaa loogu talogalay in maamulka gobolka Banaadir ugu adeego shacabka deggan 17-ka degmo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin u hadashay maamulkan.

Gaadiidkan waxaa la wareegay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, iyaga oo dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay u fidiyeen.

Gaadiidkan ayaa ah Basaska dheereeye, islamarkaana haatan laga isticmaalo dalalka horumaray.

Qatar ayaa horey waxay sidan oo kale gaadiid ugu wareejisay wasaaradda amniga gudaha si ay ugu shaqeeyaan ciidamada ammaanka.