U bood dhigaalka

Qatar Oo Mamnuucday Badeecooyinka Dowladaha Go’doomiyey

Sheeko:Dalka

Dowladda Qatar ayaa mamnuucday in badeecadaha laga keeno dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar  lagu iibiyo Suuqyada iyo goobaha ganacsi ee Qatar.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysay oo Qatar ay qaado tan iyo markii ay go’doomiyeen qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Qatar war-murtiyeed ay soo saartay ayaa ganacsatada loogu sheegay in dhammaan badeecadaha Afarta dowladood laga saaro Suuqyada Qatar islamarkaasna waxa soo-saarkooda aan la soo gelin Karin gudaha dalka.

Qatar ayaa waxaa loo soo dhoofiyaa badeecado badan iyo Shixnado cunta ah kuwaasi oo lagag keeno dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka iyaga oo la soo marsiinayo xaduudka ay la wadaagaan Qatar.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka diblomaasi u jaray Qatar sanadkii la soo dhaafay iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argigixisada ah balse Qatar waa ay iska fogeysay arrintaasi.

Goobjoog News