U bood dhigaalka

Qaxooti Soomaaliyeed Oo Maanta Dib Uga Soo Laabanaya Kenya

Sheeko:Dalka

Soomaali badan oo qaxooti ku ahaa dalka Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah lagu soo waramayaa iney dib ugu soo laabanayaan waddoonka oo muddo badan ay ka maqnaayeen.

Dadka maanta soo laabanaya ayaa tiro ahaan waxaa lagu sheegay 850 ruux, waxaana ay kasoo ambabaxeen xeryaha Dhadhaab, iyaga oo soo gaaray dhanka xadka aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Collins Guedje, madaxa dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya u qaabilsan hay’adda UNHCR, ayaa sheegay in dhammaan qaxootigan ay si iskood ah usoo laabanayaan, kadib markii ay is diiwaangeliyeen.

Dadka ku nool Dhadhaab ayuu sheegay in badi ay doonayaan iney dib ugu soo laabtaan dalkooda, in badan oo iyaga kamid ahna ay isdiiwaangeliyeen.

Sanadkaan 2017-ka ayuu Collins Guedje sheegay in dalka kusoo laaban doonaan qaxooti gaaraya 79 kun oo qof, si ay dalkooda ugu noolaadaan.

Kadib markii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab ay dhibaatooyin iyo handadaad joogta ah kala kulmeen dowladda Kenya, waxay go’aan ku gaareen in dalkooda ay kusoo laabtaan, kana qeybqaataan dib u dhiskiisa.

Goobjoog News