U bood dhigaalka

Qaxooti Soomaaliyeed Oo Si Iskood Ah Uga Soo Laabanaya Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in dalkooda hooyo ay dib ugu soo laabtaan qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugnaa mudada badan xeryaha Dhadhaab.

Inkastoo tirada qaxootiga maanta soo laaban doona aan si rasmi ah loo sheegin ayaa wararku waxay sheegayaan in dowladda Kenya iyo UNHCR ay iska kaashanayan sidii ay dadkaan ku keeni lahaayeen degmada Dhoobley oo laga soo daabuli doono.

Dadkan soo laabanaya ayaa la sheegay in si iskood ah ay isku diiwaan geliyeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda, maadaama xeryaha Dhadhaab aysan ku haysan nolol wanaagsan, sidoo kalena dalkooda ay hadda nabad ka jirto.

Dadka lasoo celinayo ayaa la geynayaa gobollada Jubbooyinka, waxaana jira meello ay degeen oo maamulka Jubbaland dadkaasi usii diyaariyey maadaama dalka ka maqanaayeen in ka badan 20-sano.

Waxaa jiray heshiis Saddex geesood ah una dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR kaasi oo ku saabsanaa in si iskood ah loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in dalkooda ku laabtaan.

Goobjoog News