U bood dhigaalka

Qaxootiga Yemen Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Ka Cabanaya Xaalad Adag Oo Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ku sugan Qaxooti badan oo Yemen u dhashay, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda wadankooda.

Qaxootigaan ayaa haatan ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, maadaama aysan helin kaalmooyin wanaagsan oo aan ku filneen.

Waxaa jira dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku noolaa Yemen, hase ahaatee iyaguna doonaya in ay qaabisho safaaradda Yemen, balse loo diiday qaabilaad, maadaama dalkooda ay joogaan.

Mid ka mid ah Odayaasha ku dhex nool safaaradda Yemen ee magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Goobjoog News in dhibaato xagga nolasha ah ay hayso, ay jiraan dad badan oo Yemeniyiin ah, misane safaaradooda aanay waxba u qaban.

“Anaga dhibaato xoogan ayaa na haysato, banaanka ayaan iska joognaa, waxaa jira dad badan oo banaanka ku dayacan, malahan daryeel, laakiinse waxaan rajeyneynaa in wadankeena oo nabad noqda, misane aan dib u laabano” mid ka mid ah Qaxootiga Yemen ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sidaasi yiri.

Markii dalka Yemen ay ka bilawdeen dagaallo, waxaana wadanka kusoo qaxay muwaadiniin badan oo u dhashay dalkaasi, kuwaasi oo Soomaaliya u yimid inay helaan nolol ka duwan midi ay ku noolaayeen.

Goobjoog News