U bood dhigaalka

Qaybtii Labaad Ee Maxabiis Laga Soo Daayey Liibiya Oo Maanta Ku Soo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo degto diyaarad sidda qaybtii Labaad ee maxaabiis Soomaaliyeed oo laga soo daayey xabsiyada dalka Liibiya.

Maxaabiista maanta la filayo inay magaalada Muqdisho yimaaddaan  ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan 13 dhallinyaro ah, kuwaasi oo dalbaday in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii loo soo celin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Liibiya.

Waxaa jirta dhallinyaro iyagu diiday in dalka dib loogu soo celiyo, isla markaana dalbaday in loo fududeeyo safarka ay ugu socdaan qaaradda Yurub.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News