U bood dhigaalka

Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Oo Ka Cabanaya Go’aanka Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Banadir ayaa sheegay in Galinka danbe Maanta Guud ahaan la hakin doono isu socodka gaadiidka isticmaala Wadoyinka Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ujeedada laga lee yahay ay tahay xaqiijinta ammanka Maadama Maalinka arbacada ah la filayo in doorashada Madaxtinimada dalka ay qabsoonto maalinka arbacada ah.

Titaalabadan uu guddoomiyaha gobolka ka yeeshey shir ja’aaid uu ku qabtey xaruntiisa waxaa ay saameyn doontaa shaqaalaha, ardeyda, bukaanka, dadka da’da ah, caruurta, dadka safarka ku imaanaya ama uga baxaya caasimadda iyo cid walba oo deggan magaalada Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa dhaliiley tilaabada gobolka uu ku mamnuucayo isu socodka gaadiidka, iyaggoo intooda badan sheegey in ammaanka ka hadlidiisa ay leedahay hey’adaha ammaanka ee ana loo baahneen in uu go’aan iska gaaro gobolka  Banaadir.

Cali Maxamed waa ardey, waxaa uu isweydiinayaa haddii la fasixi waayo Iskuulka uu dhigto, sidee ku tagayaa xarunta Iskuulka oo aad uga fog halka uu degan yahay.

Goobjoog News