U bood dhigaalka

Qeybta 12aad Ee Ciidamada Xoogga Dalka Oo Gadooday,  Hakiyana Isu Socodka Aagga Wasaaradda Gashaandhigga

Sheeko:Dalka

Sida ay ku warramayaan wararka aan ka heleyno xaafadaha ku dhaw wasaaradda gashaandhigga, ciidamo ka tirsan xoogga dalka, qeybta 12aad ayaa la sheegayaa in ay la wareegeen qeybo ka mid aha wadada Warshadaha, gaar ahaan waddooyinka gala ama ka baxa wasaaradda gashaandhigga.

Ciidamada xoogga dalka yaa waxaa ay ka sheeganayaan mishaar la’aan muddo bilooyin ah, arrintan ma aha markii ugu horreysay, waxaa jirtay in bishii hore ay ciidamo ka tirsan xoogga dalka mudaaharaad ka dhigeen wadada Maka Almukarama.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la hadlayey munaasabaddii 15-kii May waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay bixisay mishaaraadka ciidamada.

Goobjoog News