U bood dhigaalka

Qeybtii Labaad Ee Qaxootiga Soomaalida Kenya Oo Maanta Dib Loogu Soo Celinayo Dalka

Sheeko:Dalka

qaxWaxaa maanta la filayaa in xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab laga soo qaado qeybtii Labaad Qaxooti Soomaaliyeed oo dalbaday in dib loogu soo celiyo wadankooda.

Dadkaan maanta lasoo qaadayo ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan 93 qof, kuwaa oo si iskood ah isku diiwaan geliyay.

Soo daabulidda dadkaan waxaa qeyb weyn ka qaadanaya Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR, iyadoo la keeni doono degmada Dhoobleey, dhamaan dadka lasoo qaado.

Markii ay soo gaaraan degmada Dhoobleey ayaa loo sii kala gudbin doonaa deegaanada dadkaan ay markoodii hore ka yimaadeen, kuwaa oo ka kala tirsan gobalada Bay, Jubada Hoose iyo Gedo.

Qeybtii Koowaad ee Qaxooti Soomaaliyeed ayaa dhawaan dib loogu soo celiyay gudaha dalka, waxaana ay gaarayeen 100 qof, iyadoo UNHCR sheegtay in cid walba oo dalbata in dib loogu celiyo dalkeeda taasi laga caawin doono.

Goobjoog News