U bood dhigaalka

Qeylo dhaan kasoo yeertay maamulka degmada Yeed ee gobalka Bakool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Yeed ee Gobolka Bakool ayaa xaalada Degmadaasi ku tilmaamay mid go’doon ah, ka dib markii mudo badan halkaasi aysan gaarin wax Gadiid Xamuul ah ama Gargaar kale oo loogu tala galay dadka ku nool Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Yeed Cabdi Saadaq Duwane oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay degmadaasi ay ku dhinteen xoolo aad u badan sababo uu ku tilmaamay abaaraha ka jira Degmadaasi.

Inkastoo xaaladahaasi Degmada Yeed ay ka jiraan, hadana waxa uu Gudoomiyaha uu sheegay in roob wanaagsan uu ka da’ay halkaasi, taas oo uu tilmaamay in dadka Degmada ay uga kaaftoomi doonaan in gargaar ay ka sugaan Hay’adaha samafalka.

Degmooyin badan oo ka mid ah gobalka dalka Soomaaliya waxaa ka da’ay roob, waxaana horay uga jiray abaaro saameeyay dadka iyo duunyada.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News