U bood dhigaalka

Qiimaha Lagu Kireeyo Guryaha Magaalada Cadaado Oo Sare U Kacay (WARBIXIN)

Sheeko:Dalka

Waxaa si isdabajoog ah u socda guryaha magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana lagu sameynayaa hagaajin iyo dib u qurxin.

Qiimo koror ayaa ku yimid lacagta lagu kireynayay guryaha magaalada Cadaado ku yaalla kuwaasoo guryaha fillooyinka ah qaarkood lagu kireynayo iminka kumanaan dollar.

Arrintani ayaa waxaa sabab u ah arrimaha doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo si xowli ah uga soconaya magaaladaasi.

Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo Ergooyin badan ayaa ku sii qulqulaya magaalada Cadaado waxaana aad u kordhay qiimihii lagu ijaarayay guryaha.

Tusaale ahaan guryaha qaarkood oo horey loogu ijaarayay $500(Shan boqol oo dollar) ayaa hadda lagu kireynayaa $6000(Lix kun oo dollar), tani waa isbedal weyn oo magaalada Cadaado laga dareemayo.

Dhanka kale, Dhismaha guryaha Cadaado ku yaalla iyo dib u haajinta lagu sameynayo waxay fursado shaqo u abuureen boqolaal dhallinyaro ah kuwaasoo guryaha dib u habeynta lagu sameynayo ka shaqeysanaya.

Dhallinyaradani qaarkood waxay Goobjoog News u sheegeen in maalintii ay ku shaqeyn jireen afar boqol oo Shillinka Soomaaliga(400.000) oo Shillin balse maanta ay ku shaqeynayaan shan boqol iyo konton kun oo shillin Soomaali ah(550.000)

Khaliif Macallin Aadan oo kamid ah milkiilayaasha guryaha Cadaado ayaa sheegay in guryaha qiimo ka badan kuwii lagu koreyn jiray maalmahaan lagu kireeyo.

Gurigiisa oo uu dayactir ka socdo wuxuu sheegay inuu ku ijaarayo lacag dhan seddex kun oo dollar($3000).

Dhanka kale, waxaa aad mashquul u ah waddooyinka waa weyn ee Cadaado, waxaana sidoo kale qiimo kac laga dareemay baabuurta soo dhoweynta loo adeegsado ee garoonka musharrixiinta xildhibaannada iyo ergada ka doona kuwaasoo lagu raacayo qiimo ka badan kii hore.

Qiimaha lagu kireeyo guryaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sare u kacay maalmahan tan iyo wixii ka dambeeyay markii la soo afjaray dhismaha maamul goboleedka Galmudug.

guryo-cadaado-2 guryo-cadaado-1 guryo-cadaado-3 guryaha-magaalada-cadaado

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Goobjoog News