U bood dhigaalka

Qiimo Koror Dhanka Khudaarta Ah Oo Laga Dareemayo Suuqyada Garoowe

Sheeko:Dalka

Waxaa sare u kac ballaaran laga dareemayaa qiimaha la kala siisto khudaarta Suuqyada magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Qiimo kororka ku yimid Khudaarta ayey ganacsatadu ku sheegeen fatahaadaha ay geysteen Wabiyada Shabelle iyo Jubba kuwaasi oo saameyn ku yeeshay beeraleyda khudaarta geyn jiray deegaannada Puntland.

Kiilada Barbarooniga ah ayaa waxaa la iibinayaa Suuqyada Garoowe qiimo dhan 60 kun oo Shilin Soomaali ah, halka markii hore la kala siisan jiray 50 kun oo Shilin Soomaali ah.

Liindhanaanta Suuqyada markii hore waxaa la kala siisan jiray xabadii 2 kun oo Shilin Soomaali ah halka hadda xabadii ay mareyso 4 kun oo Shilin.

Dhanka kale Cambaha ayaa waxaa uu marayaa qiimo dhan 20 kun oo Shilinka ah, halka markii hore uu ahaa 15 kun oo Shilin, Liin Bambeelada ayaa gaartay iyadana qiimo dhan 26 kun oo Shilinka,halka markii hore ay aheyd 14 kun oo Shilinka Soomaaliga ah.

Qiimo kororka ku yimid Khudaarta ayaa waxaa loo sababeynayaa Fatahaadaha ay geysteen Wabiyada Shabelle iyo Jubba kuwaasi oo baabi’iyey dalagyadii  beeraha.

Goobjoog News