U bood dhigaalka

QM: 25,700 Oo Ruux Ayaa Ka Barakacay Qandala

Sheeko:Dalka

Hay’adda jimciyadda quruuma u qaabilsan beni’aadanimada OCHA ayaa sheegtay in ku dhowaad 25700 oo qof inay ku barakaceen dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Qandala kaasoo u dhaxeeyay ciidanka Puntland iyo malleeshiyada Daacish.

OCHA ayaa sheegtay in dadka soo barakacay ay badankood yihiin haween, carruur iyo dad da’ ah iyadoo tilmaamtay in dadka badankood u barakaceen tuulooyin ku hareereysan magaaladaasi halka kuwa kalena ay aadeen magaalada Boosaaso oo 75 KM u jirta Qandala.

“Saaxiibada qaabilsan dhanka beni’aadanimada iyo madaxda maxalliga ah ayaa waxay ka walaacsan yihiin inay sii xumaato xaaladaha dadka barakacay kadib dagaalkii ka dhacay degmada Qandala” ayay ku dhahday OCHA warbixin ay soo saartay.

OCHA waxay tiri laga soo billaabo 3-dii bishaan in 3000 oo ruux ay ka barakaceen degmada Qandala.

Ciidamada Puntland ayaa waxay qabsadeen degmada istiraatiijiga ah ee ka dhacda xeebaha badweynta hindiya ee Qandala dabayaaqadii todobaadkani kadib ku dhowaad labo bil oo magaalada Qandala ay ka arriminayeen ciidamo ka amar qaata wadaadka la yiraahdo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Alshabaab.

Dadka barakacay ayaa xaalado nolal xumo iyo biyo la’aan ay ku heystaan degaannada kale oo ay u barakaceen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada