U bood dhigaalka

QM Oo 3.2 Milyan Doolar u Qorsheysay Wax Ka Qabashada Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shalay ahayd sheegtay in ay u qoondeysay lacag dhan 3.2 Milyan oo doolarka Maraykanka ah gargaarka abaaraha ee Soomaaliya.

Peter The Clercq oo ah madaxa hay’adda gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaan ay ka timid wadanka Sweden, laguna hagaajiyey Sanduuqa Bini’aadannimada ee Soomaaliya.

Sanduuqan ayaa u fududeyn doono hay’adaha la shaqeeya Qaramada in ay gaarsiiyaan meelaha abaaraha ay ka jiraan biyo, cunto iyo dawo.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey 5 Milyan oo Soomaali ah oo u dhiganta 40% dadka ku nool dalka ayaa waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dadka ay saameysa abaarta ku jira 320 kun oo caruur ah oo da ahaan ka yar 5 sano.

Gobollo badan oo kamid ah dalka waxaa ka jirta abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo ay jiraan dad u dhintey abaarta.

Goobjoog News