U bood dhigaalka

QM oo $75 Milyan ugu deeqday dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Sheeko:War

Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Ka hortagga Xaaladaha Deg-Deg- ah ee bini aadnimo ayaa ku deeqdey lacag dhan $75 Million oo doollar si sare loogu qaado Deeqaha La siiyo Wadamada ku yaalla Galbedka iyo Geeska Afrika.

Madaxa Hey’addan oo marka mageceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CERF Valerie Amos ayaa u qoondeysey lacag dhan 75Million oo doollar hey’adaha ka shaqeeya Xaaladaha beni aadnimo ee ka jira Labada gobol ee Galbeedka Afrika Saaxil Iyo weliba Geeska Afrika.

“dhibaatooyin badan oo is biirsadey, Dad badan oo baahi gargaar Qaba ayaan helin wax gargaar ah labadii sano ee la soo dhaafey, Hadaba deeqdan lacageed waxa ay ka caawin doontaa Sidii looga hor tegi lahaa xaaladaha adag ee ka jira Wadamo Ku yaalla Galbeedka iyo geeska Afrika oo ay soomaaliya kamid tahay, Sidaan ognahay gobolladan waxaa ka jira nafaqo darri iyo cunno yari, dadkuna aad ayey ugu baahi qabaan haddii aan caawin weynana waxey dib ugu laabanayaa dhibaatooyinkii ay soo mareen” ayuu yiri isku xiraha Deeqaha Degdegga ee qaramada midoobey.

Wadamada geeska Afrika waxa ay heli doonaan lacag dhan 44.5 Million Oo doollar oo ah lacagta ugu badan ee loo qoondeeyey.

20 Million oo doollar oo ka mid ah lacagtaan waxaa loo qoondeeyey Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado bini’aadnimo, taas oo 2.9 million oo qof ay dadaal ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen gargaar ay u baahanyihiin.

Wadamada kale ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bini’aadnimo waxaa ka mid ah wadamada Ethiopia, oo heli doonta 12 million, Kenya 10 million iyo Eritreia oo heli doonta 2.5 million.