U bood dhigaalka

QM Oo Baydhabo Ka Furtay Xarunta Iskuduwidda Howlaha Gargaarka

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa xarun iskuduwidda howlaha gargaarka ee abaarta waxa ay ka furtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Furitaanka xaruntan ayaa QM waxa ay ku sheegeysaa in ulajeedka loo furay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa jawaabta laga bixinayo xaaladda abaarta ah ee ka jirta gobollada Baay iyo Bakool.

Ku xigeenka iskuduwaha gargaarka Bini’aadannimada Vincent Leli ayaa xaragi ka jaray xarunta laga furay magaalada Baydhabo.

Mr. Leli ayaa sheegay in ay tani u sahleyso dowlad gobaleedka Koofur Galbeed oo ah meesha ugu daran ee abaartu saameysay in lagu qorsheeyo howlgalada Bini’aadannimo ee gobalka.

Ku xigeenka iskuduwaha gargaarka QM ee Soomaaliya waxa uu tilmaamay in xaruntaan ay isku keeneyso dhammaan dadaallada socda ee la isugu dayayo in lagu gaaro dadka ay abaarta saameysay.

Sidoo kale waxa uu Mr Leli tilmaamay in arrinta kale ee muhiimka ah in ay tahay sidii maamullada heer gobal iyo heer degmo looga wada shaqeyn lahaa loona hubin lahaa in dadaallada u socdaan sidii loogu talogalay .

Maxamed Xasan Fiqi, wasiirka arrimah gudaha K/galbeed ayaa isna waxa uu sheegay in xaruntaan loo isticmaali doono si sare loogu qaado heer ka jwaabista abaarta ee gobalka.

Waxa uu shegay in sidoo kale ay dadaalka ku kordhin doonto sidii looga hortagi lahaa in ay dad hor leh gaajo u dhintaan.

Goballada Baay iyo Bakool ayaa ah meesha ugu daran ee abaarta dalka ka jirta ay sida ba’an uu saameysay .

Goobjoog News