U bood dhigaalka

QM Oo Cambaareysay Qaraxyo Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa si kulul u cambaareeyey Labo qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Keating ayaa sheegay  in qaraxyadan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho xilli shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan midnimo oo aysan dooneyn qalalaasyo ama falal amni darro.

Wuxuu sheegay Michael Keating inuu tacsi u dirayo dhammaan ehlada dadkii shalay ku geeriyoodey qaraxyadaasi, isaga oo caafimaad u rajeeyey dadkii qaraxyaadi ku dhaawacmay.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootey Labo qarax oo ka kala dhacay degmada Wadajir, iyo sidoo kale wadada Maka Al-mukarrama, waxaana qaraxyadaasi ku dhaawacmay ku dhowaan 20 qof oo shacab u badan.

Goobjoog News