U bood dhigaalka

QM Oo Cambaareysay shaqaale Gargaar Oo Lagu Dilay K/Sudan

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay dil loogu geestay 6 qof oo u shaqeyneysay hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo lagu dilay waddanka Koofurta Suudaan,waxaan geestay kooxo hubaysan oo heybtooda aan lagaranaynin.

Maadaxa isku dubaridaha xafiiska arrimaha ban’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sheegay in 6 qof oo ka shaqeynaayay dhanka arrimaha bani’aadannimada la dilay, waxa uu intaas ku daray inaan la aqbali karin in la beegsado dadka u istaagay inay caawiyaan dadka dhibaataysan.

Dhacdadaan ayaa waxay tahay dhacdooyinka ugu waaweyn ee lagu dilay tiro dad ah oo ka shaqeynaayay dhanka gargaarka tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday waddanka Koofurta Suudaan saddex sano ka hor.

Waxaa lagu dilay 79 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah iyo gudaha  ah tan iyo markii uu dagaalka uu ka bilowday Koofurta Suudaan bishii December ee sanadkii tagay , 12 ka mid ah dadkaas waxaa la dilay bilowgaan sanadkaan iyagoo lagu dilay dhacdooyin kala duwan.