U bood dhigaalka

QM Oo Digniin Xooggan Kasoo Saartay Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxa howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobey, Stephen O’Brien ayaa digniintii ugu dambeysay kasoo saaray xaaladda abaarta Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ah.

Mr. O’Brien ayaa sheegay in dunidu ay wajahaysao dhibaato Bini’aadannimo middii ugu weyneyd tan iyo markii la aasaasay QM, sanadkii 1945.

Waxa uu tilmaamay in malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya K/suudaan, Yemen iyo Nigeria ay wajahayaan xaalad macluul ah oo u baahan in degdeg wax looga qabto.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in kaliya waxa looga bixi karo xaaladdan ay tahay in dunida oo dhan ay gacan mid ah geysato, una gurmato dadkaasi.

Gobollo badan oo Soomaaliya waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, illaa iyo haddana ma jiraan gurmad ku filan oo ay heleen.

Goobjoog News