U bood dhigaalka

QM Oo Fariin u Dirtay Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Zenenga.

“Kani waa waqti muhim u ah sannadka oo ay qoysaska iyo bulshadu isu yimaadaan, ka fikiraan waxa dhab ahaan mecno u leh nolosha, una duceeyaan oo taageero u fidiyaan dadka danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.”

“Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ramadaan – Ramadan kareen, Ramadaan wanaagsan.”