U bood dhigaalka

QM Oo Mar Kale Codsatay $825 Milyan Oo Wax Looga Qabto Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay 825 Milyan oo doolar, taasi oo wax looga qaban doono abaarta ka jirta dalka si aaney macluul u dhicin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay saameysa abaarta baahsan ee dalka ka jirta, islamarkaana loo baahan yahay in jawaab degdeg ah laga bixiyo.

Waxa uu tilmaamay iney codsanayaan 825 Milyan oo doolar si looga hortago macluul ka bilaabata Soomaaliya sidii dhacday sanadkii 2011-ka.

Guterres ayaa safarkii uu ku yimid magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay iney tahay mid uu ku muujinayo barbar istaagga shacabka Soomaaliyeed maadaama xilligaan dalka ay abaar ka jirto.

“Sababta aan u imid halkan anigoo ah xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay waa mid fudud in aan idiin sheego, taasina waa inaan muujiyo barbar istaag qotodheer shacabka Soomaaliyeed,  xilligan waxaa jirta istaraatijiyad rajo wanaagsan laga qabo taas oo micna buuxa u samaynaysa in beesha caalamka ay si buuxda u taageeraan Soomaaliya, Xilligan la joogo”

“Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan helay fursad ah inaan codsado gargaar baaxad wayn oo beesha caalamka aan u jeediyay si looga fogaado musiibo wayn oo isku rogi karta macluul, waxaana baaqa uu ahaa Afar wadan caalamka kamid ah sida South Sudan, Waqooyi bari Nigeria, Yemen iyo Soomaaliya, waxaa jira fursado looga fogaan karo in xaaladdu ay ka sii darto, waxaa kale oo jirta fursado kale oo looga dheeran karo wixii ka dhacay dalkan 2011-kii, wada shaqayn wanaagsan ayaa jirta oo u dhaxaysa dowladda iyo Hay’adaha gargaarka kuwaas oo isku ah Qaramadda Midoobay si loo hubiyo in dhaqaaq la sameeyo si loola tacaalo xaaladda taagan xilligan”

Guterres oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in loo baahan yahay taageeri baaxad weyn oo beesha caalamka ah si looga fogaado macluushii 2011.

“Waxaan leenahay awood waxaana u baahanahay taagero baaxad weyn oo beesha caalamka aan ka helno si aan uga fogaanno macluushii 2011-ka taas oo Soomaaliya geysay in ay cabato oo ay cabato mana ahan xilligan mid la aqbali karo addunkan casriga, maanta waxaanu haynaa 6.2 Million qof kuwaas oo u baahan in la caawiyo oo ah kala barka dadka Soomaaliyeed”

“Waxeynu haynaa Saddex Boqol Soddon iyo Lix kun oo carruur ah oo nafaqo darri xun haysa kuwaas oo aan haysan cid taageeraysa, 3.3 Milyan oo qof ayaa sidoo kale u baahan inay helaan adeeg caafimaad oo degdeg ah si looga baaqsado daryeel caafimaad la’aan ah dadka abaarahu saameeyeen taasoo ay u dhiman karaan haddi aysan helin wax caawiya”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo hadal qaadey arrinta cudurka Daacuun caloolaha, wuxuuna sheegay in cudurkaasi uu kasii daray baahidii jirtay.

“Waxaa jira cudurka kalooraha oo sii faafaya oo ka sii daran baahidda Labadii Bil ee ugu damabaysay 7,731 kiis oo daacuun ah iyadoo ay u dhinteen dad aan tiro lahayn, Isbuuci u dambeeyay 1,352 kiis ayaa jiray 38 kamid ahna way geeriyoodeen, taas oo ah inuu ka sii darayo cudurka, dhamaan sababahaasi oo dhan waa kuwo u baahan in degdeg looga jawaabo Annagu gudaha waan ka diyaar garownay laakiin waxaan u baahannahay gargaar beesha caalamka”

Gobollada dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana meelaha qaar dadku aysan awoodin iney helaan biyo ay cabaan.

Goobjoog News