U bood dhigaalka

Qobobbada Ugu Muhiimsan Khudbaddii Cumar Cabdirashid, Culusow, Jabarti Iyo Farmaajo

Sheeko:Dalka

Waxaa  maanta gellinta hore baarlamaanka Soomaaliya ka hor hadley ilaa afar(4) murashax kuwaas oo kala ah: Cumar Cabdirashid, Maxamud Maxamed Culusow, Maxamed Axmed Jabarti iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Cumar Cabdirashadiid Sharma’arke oo ugu horeyntii hadley waxaa uu sheegey in dowladdihii hore dhibaato ku hayeen xumuumadaha la badalayo, isagoo intaa raaciyay in mudadii 2 ahyed ee ra’isul wasaaraha ahaa uu dhisey labo maamul goboleed, ka shaqeeyay xasilooni siyaasadeed iyo wada tashiga laga galey doorashadan dadban, waxaa uu sidoo kale muujiyay in arrinta badda ay tahay in loo mahadceliyo isaga iyo dadkii ka shaqeeyay, isagoo ku doodey in ay dhul badan Soomaaliya u soo dhiciyeen.

Sharma’arke waxaa uu dhaliiley joogitaan-ka AMISOM ee 60% ay joogaan 300 KM wax yar, waxaa uu ballan-qaadey in wax badan ka qaban-doono arrimaha Banii’aadamnimada, Dhaqaalaha, Kheyraadka qeysbiga, Siyaasadda arrimaha gudaha sida cadaaladda, sinaan, midnimo, wada tashi iyo wax wada dhisid ku saleysan iyo siyaasadda dibadda oo ixtiraam iyo qadarin salka ku heysa.

Dr. Maxamud Maxamed Culusow, waxaa uu soo qaatey in uu dalka ka hirgelin doono hoggaamin dastuuri ah, isagoo soo qaatey in uu ciidamada dhisi doono, in aanu ku xadgudbi doonin dastuurka, in Xildhibaan walba uu ku gacan siin doono in uu wax u qabto deegaanka uu ka soo jeedo, in uu sameyn doono maamul wanaag ku saleysan siyaasad, hadaf, dhaqaale, maamul, ciidan iyo tababar.

Ugu damneyntii waxaa uu Dr. Culusow Xildhibaannada ka dalbadey iney ka fogaadaan cod iibsi, in xildhibaanka lacag lagu heli karo isagoo sheegeyn iney jiraan dowlado u ololeynaya murashaxiinta qaar, waxaa kaloo uu Xildhibaannada u sheegey in ay ka fogaadaan Murashaxiinta isku eedeynaya qiyaamo iyo dhaxal wareejinta ee ay doortaan dad nadiif ah.

Maxamed Axmed Jabarti oo goobta ka hadley waxaa uu sheegey in lagu doorto Soomaalinnimo, Aaminaad, Run sheeg iyo Qabyaalad  la’aan.

Jabarti waxaa uu soo qaatey in wax walba ku dhameyndoono wada xaajood, cadaalad, dhismo ciidan, waxaa uu ka hadley in Maaliyadda Soomaaliya  min wasiir illaa waaxyaha hoose uu u magacaabi doono haween, waxaa uu sidoo kale ballan-qaadey dhismaha ciidan tayo leh, in Xildhibaannada uu xajka geyn doono iyo in 330 ciidan oo tababaran uu u shaqaaleynsiin doono iyo Xildhibaannada qof ay wataan uu Jaamacad ka dhiibi doono.

Maxamed Cabdulahi farmaajo oo goobta isna ka hadley waxaa uu soo qaatey in dalka ay dib u dhigeen dowlado murashax wata, saxiixayaal iyo madal booska baarlamaanka gashay, mishaar la’aan, mooshi dumin iyo dhisme ah, safarro madaxweynaha ah oo waqti iyo hanta lumin ah iyo amni ay cid kale mas’uul ka tahay, isagoo ballan-qaadeyn in waxaasi wax badan ka qaban-doono, haddii la doortana aanu xiriri doono jidadka.

Farmaajo waxaa uu wax badan ka ahadley dhismaha ciidanka qalab-ka sida, xuquuqdooda, isku dhafkooda,dhismaha sirdoonka iyo in uu lacag siin doono ilaa 100,000$ ciddii hey’adaha amniga la shaqeysa.

Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa uu ugu dambeyntii waxaa uu ballan-qaadey la dagaalanka Musuqa, in uu noqon doono odey Soomaaliyeed, wax bandanna ka qaban doono dib u heshiisiinta, dowlada wanaagga horumarin doono isagoo dhalinyarada iyo haweenka baarlamaanka ku jira ka codsadey iney doortaaan.

Goobjoog News