U bood dhigaalka

Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Maamullada Galmudug Iyo Puntland (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay kullan ballaaran oo heshiis ay ku kala saxiixanayeen maamullada Puntland iyo Galmudug State.

Dhex dhexaadinta Labada dhinac waxaa hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaa kaalin ka qaatay xubno ka mid ah golahiisa wasiirada, madaxweynayaasha maamullada Jubbland  iyo Koonfur Galbeed, iyo xubno ka mid ah beesha caalamka.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iyo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saxiixay heshiis ka kooban Afar qodob, kaasi oo horudhac u ah nabad ka dhalata magaaladaasi.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa kala ah.

Baaq nabadeed oo waara, xabad joojin shuruud la’aan ah, iyo soo afjaridda colaadda af iyo adinba, lagana fogaado wax walba oo dhalin kara iska hor imaadyo hubeysan iyo abaabul colaadeed.

Kala raridda ciidamada is hor fadhiya, koox walibana hubka iyo ciidamada inay geyso xeryihii ay ku sugnaayeen kahor colaadda.

Soo celinta dadweynihii ka barakacay Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo, dhan walabana uu bixiyo tashiilaatka muhiimka u ah xaaladda bini’aadannimo, iyadoo ay gacan ka geysaneyso dowladda Federaalka.

Magacaabidda guddi ka kooban dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada oo wada xaajood ka yeesha xallinta khilaafka Gaalkaco, kadibna la fidiyo gogol lagu xallinayo khilaafka Labada maamul gobaleed.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay qodobada lagu heshiiyay, isaga oo rajo ka muujiyay in la dhaqan geliyo.

Sidoo kale madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa dhankooda sheegay qodobadaan lagu heshiiyay ay dhaqan gelinayaan, iyadoo tallabada ugu horreysa ee ay qaadayaan noqon doonto kala qaadista ciidamada.

Hoos ka akhri heshiiska oo dhan

Heshiis1

Heshiis2

Halkaan hoose ka daawo sawirrada

S3 S2 S1

Gobjoog News