U bood dhigaalka

Qodobada Looga Hadlayo Shirka Madasha Ee Muqdisho Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Madasha qaran ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho, shirka waxaa looga hadlayaa hirgelinta guddiga doorasho, dhameystirta guddiga doorasho ee gobollada, goorta la dhisayo aqalka sare, arrinta Shabeelle dhexe/Hiiraan, Somaliland, Muqdisho iyo aqalka sare iyo arrimo kale.

Qodobada laga hadlayo waxaa ku jira qodobo muhiim ah oo ku tusinaya in doorashada ay dib u dhacesyo, sida doorashada aqalka cad oo lagu waday in dhacdo July 20keeda sida ku qornaa jadwalkii hore oo hadda dib loo dhigayo ilaa September 1-deeda wixii ka dambeeyay.

Waalaca laga qabo dib u dhaca doorashada waxaa Goobjoog News uga waramay Tobias Ellwood oo wasiirka Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska, ninkan oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha iyo madax kale ayaa ka digay in dib u dhac ku yimaado doorashada 2016-ka isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ay dadka ka hor wareegaan xiligooda marka uu dhamaado.

Shirkan madasha qaran waxaa xoogga lagu saari doonaa: dib u dhaca doorashada iyo ku dhaqanka jadwalka cusub ee doorashada iyo Miisaaniyadda loo baahan yahay doorashooyinka, Labadaba waxaa soo diyaariyay  guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal, sidaana waxaa Goobjoog News horay ugu xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga Abuukaate Cumar oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog.

Arrinta miisaaniyadda loo baahan yahay doorashadan, xogheyaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Sheekh Ibraahi ayaa horay Goobjoog News ugu sheegay in dowladda u baahantahay ilaa 13 Milyan si doorashada 2016-ka u dhacdo, Lama oga in madashan looga hadli doono sida lacagahaas loo helay iyo in laga hadli doono isbadalka ay lacagaha doorashada ku sameeyeen guddiga hirgelinta doorashooyin dadban ee heer federaal oo Goobjoog News sidoo kale u sheegay in ay diyaariyeen Miisaaniyadda doorashada.

Maanta Maxaa Horyaalla Shirka:

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016.

Wada-hadalka arrimaha aminga guud ee qaranka Somaaliya:

Aragtida fog ee Amniga qaranka Somalia iyo sidii lagu dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tayeysan.

Go’aan ka gaaris shirar joogto ah oo lagu horumarinayo ciidamada amniga qaranka oo dowladda federaalka iyo dowlad goboledyada xubnaha ka ah ay yeeshaan markii muddo la joogaba kaas oo la jaanqaada dhismaha guud ee dib u dhiska qaranka

Goobjoog News