U bood dhigaalka

Qodobada ugu Muhiimsan ee sharciyada qaxootiga iyo xanaanada xoolaha oo baarlamaanka laga hor akhriyay

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 29-aad, Kalfadhiga 7-aad ayey baarlamaanka federaalka soomaaliya isugu yimaadeen, waxaa shir guddoominayey Jeylaani Nuur Ikar, waxaa akhrinta 3-aad maray Sharciga Qaxootiga halka akhrinta 2-aad uu maray sharciga xanaanada xoolaha.

Sharciga qaxootiga waxaa ay ujeedadiisu tahay dhismaha hey’ad dib u soo celinta qaxootiga iyo dib u dejinta barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed

Sharciga waxaa ku qoran qeexidda hey’adda, guddiyadeeda kala duwan, heshiisyada qaxootiga sida Geneva, kampala, midka AOU-da, waa maxay qaxooti, barakacayaal, adeegsugayaal, soo noqode iyo arrimo badan.

Waxaa uu sharciga ku talinayaa in la dhiso hey’ad la magac baxday hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka”, in ay hey’adda ay noqoto mid qaran oo madax banaan, waxaa hogaamin doona guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka, waxayna fulin doontaa qorshaha siyaasadeed ee golaha wasiirada iyadoo howlaheeda shaqo u madax banana, waxaa ku qoran in guddoomiyaha hey’adda uu warbixin toos ah siin doono wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah.

Hey’adda qaxootiga waxaa ay yeelan doontaa miisaaniyad sanadeed, waxay xaq u yeelan doontaa cashuur dhaaf, waxay xarunteeda noqon doontaa caasimadda Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa maanta akhrinta koobaad maray hindise sharciyeedka xanaanada xoolaha, sharcigan waxaa uu qeexayaa: Xayawaan, noocyada xoolaha cudurada ku dhaca, dhakhaatiirka xanaanada xoolaha, xerooyinka lagu xareeyo, caafimaadka xoolaha.

Qodobka labaad ee sharcigan waxaa uu ka hadlayaa waxa laga doonayo wasiiradda xanaanada xoolaha sida hor-umarinta iyo daryeelka xoolaha, shahaado-siinta caafimaadka.

Waxaa kaloo Wasaaradda ay qabaneysaa: ilaalinta iyo xakameynta cudurada, barista, ka hortagga iyo kortoroolka cudurada iyo in xaaladda caafimaad u gudbiso hey’adaha caafimaad ee dalka.

Waxaa kaloo ay qabaneysaa wasaaradda waxbarista iyo tababarka shaqaalaha, suuqgeynta xoolaha, taageerista hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa deegaanka eek u hawlan arrimaha caafimaadka iyo hor-umarinta xoolaha.

Waxaa kaloo sharcigan uu xoogga saarayaa dhoofinta xoolaha iyo waxa ka soo baxa, ruqsadda iyo shahaadooyinka xoolaha la daabulayo, shuruudaha loo baahan yahay daabulidda ka hor, dajenta, isticmaalka gaddiidka dhulka, circa.

Sharciga waxaa kaloo uu ka hadlayaa fayodhowrka hilibka, meelaha loo cayimay, barista, awoodaha heynta iyo ka takhulisidda raqda ama qalfoofta neefka dhintay.

Waxaa kaloo sharciga ku jira khidmada iyo lacagaha, joojinta qalista ama tuurista neef jiran, la wareegid xoolo iyo go’aan ka gaaristooda cidda isla leh, sameynta unug degdeg oo caafimaadka xoolaha ah, guddi qaran oo xaaladaha degdeg ah, guddiga qaran ee dhakhaatiirta xoolaha.

Kama marna sharciga nidaamka waxbarasho ee xanaanada xoolaha, diiwaan-gelinta iyo ruqsad siinta dhakhaatiirka xanaanada xoolaha iyo sida loo qabto araajida ama codsiyadooda.

Goobjoog News