U bood dhigaalka

Qodobbada Ugu Muhiimsanaa Khudbadaha Dr. Cabdinasir, Cabdiraxmaan Cabdishakur, Faroolle Iyo Cadow Gees

Sheeko:Dalka

Waa saaka gelinkii hore xarunta golaha shacabka ka hor khudbeeyay murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaa ilaa hadda hadley C/naasir Cabdulle Maxamed, C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees).

Ugu horeyntii, Dr. Cabdinasir Cabdulle waxaa uu ka hadley hoggaan xumo iyo aragti la’aan dalka heysata, waxaa uuna ballan-qaadey wax ka qabashada xasillinta dalka, dib u heshiisiinta, garsoorka, adeegga bulshada, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaagga.

Dr. Cabdinasir waxyaabaha uu murashaxiinta uga duwanaa waxaa ka mid ah: in uu furi doono xafiiska gardoonka, hey’ad madax banana oo cashuuraha qaadda, guddi dhiirigeliya maalgeshiga iyo in uu shaqo abuur u sameyn doono ilaa 500,000(nus Milya) qof.

C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa uu Xildhibaannada u sharaxey barnaamijkiisa isku tashi, waxaa uu ka hadley in Soomaaliya ay maamulaan dowlaha lacagta siiya, siyaasaddeena in ay ku xiran tahay isbadalka ka dhacaya bariga dhexe iyo in dalka ay wax walbo qabyo yihiin.

Cabdiraxmaan cabdishakur waxaa uu dhaliilaey dowladda hadda jirta isagoo sheegey in ay heshiisyo dhismo, cashuur qaadis iyo mid nadaafad ay ku bixisey qaraabannimo isagoo isweydiiyey sida qabyo ku dhameystiri karo qof wax ka qaban waayey  Xildhibaanno la dilay? Waxaa kaloo uu dowladda hadda jirta ku eedeeyay in ay magan galeen askari jiifa iyo dhagxaan.

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), waxaa uu ka hadley in uu wax ka qaban-doono sugidda ammaanka, dhismaha xoogga dalka, nabad sugidda, mishaar bixinta oo joogta ah lagana qaadayo dadka.

Waxaa uu ballan-qaadey in uu ka shaqeyn doono sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunqabateynta hubka, dib u heshiisiinta qaran, soo noleynta hey’adaha amniga.

Waxaa Cabdiraxmaan Faroolle ballan-qaadyadiisa ka mid ahaa in uu in Mishaarka Xildhibaannada loo qeybin doono dowladda iyo dowlad goboleedyada, barakacayaasha, qaxootiga, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo wacyigelinta.

C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) ayaa ka mid ahaa dadkii ka hor hadley Xildhibaannada, waxaa uu ballan-qaad ka sameeyay dhowr arrin:

Dowladdiisa iney noqoto kuwoo shaqeeya ee aan ka shaqeysan, dhowrista xuquuqda aadanaha, daryeelka dadka howl-gabka ah, naafada iyo agoonta ciidanka qaranka.

Cadow Cali Gees waxaa kaloo uu ka Hadley in uu xiriir fiican la yeelan doono gobolka iyo beesha caalamka, in dhaqaalaha uu xal u heli doono, in qiimo u yeeli doono shillinka Soomaaliga, in uu la dagaali doono xaalufinta deegaanka, dhirta, dhoofinta xoolaha, kallumeysiga sharci darada ah, in uu ku dadaali doono waxbarashada, caafimaadka, uruurinta cashuuraha iyo arrimo kale.

Goobjoog News