U bood dhigaalka

Qodobaddii Ugu Muhiimsanaa Ee Ay Soo Jeediyeen Wufuudda Shirka Dib-u-eegista Dasturka

Sheeko:Baarlamaanka

Shirka maanta dib-u-eegista dastuurka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaa ka hadlay guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka, ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah, xubno ka socday guddiyada dib-u-eegista dastuurka, wasaaraha dastuurka ee dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaafdir

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee dig-u-eegista dastuurka oo goobta ka hadlay waxaa uu ka digay in dib-u-eegista dastuurka la hareer maro qobobbada 133, 134 iyo 136 ee dastuurka isaga oo jeediyay in nidaamka la wada ilaaliyo, lagu hiegeliyo wadar wada-dhan, fikirna lagu wada darsado.

Xasan Cumad Mahad-alle, oo ah Xubin Guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka ayaa isna sheegay inay turxaan bixiyeen cutubyo dastuurka ka tirsan sida 1-5aad iyo 10-14aad, laguna wareejiyay guddiga la socodka ee baarlamaanka federaalka ah, isaga oo intaasi raaciyay in umadda doonayaan dastuurka shareecada ku saleysan, isu soo duma oo ay isugu soo hilaabaan.

Cabdiraxmaan Yarisow, guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho, waxaa uu sheegay in reer Muqdisho ay diyaar u yihiin sidii dib-u-eegista dastuurka ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen, si looga dhabeeyo go’aanka maamulka oo ah in 2020-ka ay doorasho ka dhacdo gobolka.

Cabdifitaax Saciid oo ah wasiirka dastuurka ee dowlad goboleedka Puntland waxaa uu sheegay in xilligii KMG aheyd ay Puntland marti-gelisay labo shir oo dib u eegis loogu sameeyay dastuurka hadana ay diyaar u yihiin sidii ay shirar kale ku marti-gelin lahaayeen.

Axmed Cali Xashi, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland waxaa uu sheegay in umad ku midowdo heshiis, heshiisna uu yahay dastuur isaga oo soo jeediyay dastuur 200 oo bog iyo dib-u-heshiisiinta in Soomaalida ku filnaadaan oo shisheeye aan loo doonin, dastuurkana noqdo mid adkeynaya midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Cabdullahi Sheekh Xasan oo ah wasiirka dastuurka ee Koonfur galbeed ayaa ku baaqay in la ilaaliyo dhammaan qodobadda ku jira dastuurka, oo la qorto dastuur dadka wada leeyihiin, oo aan waqtigiisa dhaafin.

Mudane Colaad oo ah wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka aaney u oolin shakhsiyaad kooban ee ay u taallo dhammaan umadda Soomaaliyeed, lana turxaanbixiyo, si uu u noqdo hanti qaran oo ay umadda leedahay.

Wasiirka dastuurka ee Hirshabeelle waxaa uu codsaday in wax walbo uu ku saabsan dastuurka wada tashi lagala sameeyo maamul goboleedyada.

Shirkan oo 3 maalin socon-doonna waxaa lagu daah-furayaa dib-u-eegista dastuurka, inkasta oo ay qaadacday Jubbaland hadana waxaa muuqata in gobolkaas ay tahay in loo tago wadatashi.

Goobjoog News