U bood dhigaalka

Qodobaddii Ugu Muhiimsanaa Khudbadaha Zakariye Maxamud, Baashiir Raage Iyo Jibril Ibrahim

Sheeko:Dalka

Gelinka hore ee saaka waxaa khudbadaha murashaxnimada labada gole ka hor akhriyay murashaxiinta madaxweyne ee kala ah: Zakariye Maxamud Xaaji, Bashiir Raage Shiiraar Iyo Jibril Ibrahim Cabdulle.

Zakariye Maxamud oo ugu horeyntii goobta ka hadlaey waxaa uu sheegay haddii la doorto in uu xoogga saari doono Amniga, Midnimada, Muwaadinnimada iyo dhismaha dowlad casri ah.

Maxamud waxaa uu sidoo kale ka Hadley in uu ku dadaali doono dhismaha ciidanka, dastuur tayo, cilmi iyo Tecknoljiyad, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dowlada Itoobiya iyo Kenya uu sheegay in ay faragelin ku hayaan Soomaaliya aaney na jebin Karin balse ay lugooyo wadaan.

Bashiir Raage Shiiraar ayaa isna goobta ka jeediyay hadal gaaban, Shiiraar waxaa uu ka hadlay dagaal ay isaga iyo hogaamiye kooxeed kale la galeen kooxo uu sheegey iney ugu yeereen Gaalo balse sida uu sheegey hadda la ogaado cidda gaalada ah, waxaa uu Xildhibaannada ka codsadey iney ku doortaan aqoonta Weji iyo Muuqaal ahaan ay u leeyihiin.

Jibril Ibrhaim Cabduule oo sidoo kale xildhibaannada labada aqal ka hor Hadley waxaa uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaasadda isagoo ka Hadley amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, ka hortagga musuqa, dhalinyarada, haweenka iyo xiriirka caalamiga ah.

Jibril waxaa uu ku dheeraaday sida uu u doonayo in haweenka iyo dahlinyarada ay kaalin uga lahaadaan dowladda, in cadaalad la helo oo la dhiso guddiyo iyo maxkamad dastuuri ah.

Dhanka amniga waxaa uu sheegey in uu wada shaqeyn fiican la yeelan doono dowlad gobleedyada iyo beelaha Soomaaliyeed isagoo ballan-qaadey in uu la dagaali doono musuqa, kuna dadaali doono dowlad wanaagga.

Ugu dambeyntii Jibril Ibrahim waxaa uu ka Hadley in uu si fiican u xallin doono arrinta Somalia iyo Somaliland , kuna dadaali doono sidii Soomaaliya xiriir ula yeelan laheyd dowladaha caalamka.

Goobjoog News