U bood dhigaalka

Qodobadii ugu Muhiimsanaa Heshiiska Mareykanka Iyo Ruushka Ee Xabad joojinta Dalka Suuriya

Sheeko:Dalka

Moscow iyo Washington ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin xabad joojin ah oo ay ka hirgelinayaan dalka Suuriya, laakiin heshiiskani ma khuseeyo labada urur ee kala ah Daacish iyo jabhadda Al-Nusrah iyo waliba kooxaha kale ee golaha ammaanku u aqoonsan yahay argagixisada, iyadoo heshiiskan xabad joojinta ah la doonayo inuu dhaqan galo maalinta Sabtida ah ee soo aaddan.

Bayaankan sida wadajirka ah ay u soo saareen Washington iyo Moscow isla markaana ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka maalintii Isniinta 22 Febraayo, ayaa xubnaha mucaaradka Suuriya loogu baaqay cidda xabad joojinta ku biiraysaa iney ugu danbeyn ku dhawaaqdo xabad joojinta (12:00) duhurimo ee Jimcaha 27 Feraayo.

Heshiiska ayaa mucaaradka faraya iney joojiyaan weerarada ay ku hayaan dowladda iyo adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan gantaallada garabka laga tuuro, hoobiyeyaasha iyo gantaallada anti-taangiga iyo waliba hubka noocyadiisa kala duwan oo aan loo adeegsan karin dowladda Suuriya iyo xulafadeeda.

Bayaanka heshiiska ayaa si adag u sheegay ” dagaalka qorsheysan ee ay qaadayaan dowladda Suuirya, Ruushka iyo Xulafada Mareykanka ee lagaga soo hor jeedo Daacish iyo jabhadda Al-Nusra iyo kooxaha kale ee golaha ammaanka u aqoonsan yahay argagixisada uu sii socon doono”.

Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in Mareykanka iyo Ruushku ay iskala shaqeyn doonaan xadeynta xuduudda goobaha ay maamulaan Daacish, jabhadda Al-Nusra iyo kooxaha kale ee golaha ammaanku u aqoonsan yahay iney yihiin argagixiso, oo aan qeyb ka ahayn heshiiska xabad joojinta