U bood dhigaalka

Qodobbada Ugu Muhiimsan Shirka Dastuurka ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Sheeko:Dalka

Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha  oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee matalaya dadka Naafada ah, Haweenka, dadka Matalaada Siyaasadeed aan lahayn iyo Barakacayaasha ayaa laga soo saaray talooyin muhiim ah.

Waxaa ku jiray Sugidda xuquuqda dadka naafada ah, Iswaafajinta tabashada Dadka aan matalaada siyaasadeed lahayn iyo Dastuurka, Isu-Dheelitirka ragga iyo dumarka iyo matalaada siyaasadeed, sugidda xuquuqda dadka barakacayaasha, Lahaanshaha Dastuurk iyo arrimo kale.

Qodobbada ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Shirku wuxuu ku boorinyaa Dowladda Federaalka inay dardargeliso dhameystirka Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, sida uu farayo Qodobka 111B ee Dastuurka KMG ah.

2. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dardargeliyo dhismaha Xafiiska Gardoonka Dadweynaha, Sida ku cad Qodobka 111J ee Dastuurka KMG ah, si xal loogu helo cabashooyoinka dadka aan Matalaada Siyaasadeed Lahayn, dadka Naafada ah, Haweenka, Barakacayaasha, iyo dhamaan dadka Xuquuqdoonka.

3.Shirku waxa uu ugu baaqayaa Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka inay Dastuurka ku sugaan qodobo tilmaamaya xuquuqda dadka Naafada ah islamarkaana siinaya takoor quman (Positive Discrimination), sida ku xusan Qodobka 11aad Farqadiisa 4aad ee Dastuurka KMG ah.

4. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Dowladda inay la timaado qorshayaal iyo siyaasado cad-cad oo fududeynaya in ay dadka naafada ah ay Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ahba ka helaan xuquuqaha iyo adeegyada ay ula simanyihiin dadka kale sida shaqada, waxbarashada, caafimaadka iyo fududeeynta isu-socodka.

5. Shirku waxa uu ku baqayaa in la ciribtiro caadooyinka iyo dhaqamada ku saleysan hoos u dhigidda haweenka.

6. Shirku waxa uu ku baqayaa in Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ay Dastuurka ku sugaan qoondada haweenka ee boqolkiiba soddonka ee matalaadda siyaasadeed, mataladda xafiisyada loo tartamo iyo kuwa la isku magacaabo.

7. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Barlamaanka JFS ansixinta Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga kaasoo horyaalla Golaha Shacabka.

Goobjoog News