U bood dhigaalka

Qodobbo Laga Soo Saaray Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo Uga Socday Dalka Jabouti

Sheeko:Dalka

Wadahadalka guddiyo farsamo ee Somaliland iyo Khaatumo uga socday dalka Jabouti ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo 5 ah oo Labada dhican ay isla afgarteen oo lagu heshiiyay.

Kulankan oo maalihii la soo dhaafay ka socday dalka Jabouti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lix xubnood oo Somaliland iyo Khaatumo ka kala socda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Prof.Cali Khaliif Galeydh madaxweynaha Khaatumo.

Qodobada Lagu Heshiiyay

1-Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiskii 11 qodobka ka koobaan ee Addis Ababa 21-12,2016 wixii hirgalay iyo wixii aan hirgelin.

2-In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.

3-Waxaanu ugu baaqaynaa Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba iney si degdeg ah uga hawlgalaan deegaannadaasi, abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.

4-In shirka guddiyada wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.

5-Waxaannu si wadajir ah u cambaareynaynaa falka nabadgeliyo xumida iyo khalkhal gelinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle  5.2.2017. Waxaannu u soo jeedinaynaa iney ka waantawdo falkaas foosha xun iyo farogelintaba.

khaatumo iyo Somaliland

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada