U bood dhigaalka

Wax Ka Agow Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka Iyo Sida Lagu Lumin karo Xubinnimada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, waxaa jirta qodob ka hadlaya Xasaanadda ama uu ku weyn karo xubinimadiisa, waa labo qodob oo kala duwan

Qodobka 70aad ee dastuurka, waxaa uu ka hadlayaa xasaanadda Xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo u qoran sidan:

(1)         Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa.

(2)         Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.

(3)         Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka.

(4)         Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka.

(5)         Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.

Dhinaca kale, qodobka 59aad ee dastuurka waxaa ku qoran sababaha uu Xildhibaan ku lumin karo xubinnimada baarlamaanka federaalka ah

(1)         Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

(a)        Xubinta oo Geeriyoota

(b)       Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.

(c)        Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.

(d)       Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(e)        Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

(f)        Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

(2)         Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

(3)         Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

Goobjoog News