U bood dhigaalka

Qodobo Xasaasi Ah Oo Looga Hadlay Shirka Golaha Amniga Jubbaland (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu soo gabagabeeyey shirka golaha amniga ee maamulkaasi, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shir guddoominayey kulankaan, waxaana ka qeybgalay saraakiisha ciidamada Jubbaland, Xoogga dalka iyo sidoo kale AMISOM.

Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah sidii loo dar-dargelin lahaa howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo xaqiijinta ammaanka meelaha laga saaro Al-shabaab.

Wasiirka Cadaaladda Jubbaland, Maxamed Yuusuf Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in is faham uu shirkaasi kusoo dhammaaday.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News