U bood dhigaalka

Qof ku geeriyooday rasaas ay koox hubeysan ku furtay baabuur marayay meel u dhow Afgooye

Sheeko:Dalka

 Inta la xqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox hubaysan ay rasaas ku fureen gaari kuwa xamuulka qaada oo marayay meel u dhow degmada Afgooye.

Gaarigan ayaa marayay deegaanka Warta Geedow oo hoos taga degmada Afgooye halkaasi oo isbaaro ay u tiillay kooxda rasaasta ku furtay gaadiidkan.

Dadka ku dhaawacmay rasaata ayaa la geeyay goobaha caafimaadka degmada Afgooye.

Wariye Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo sheegaya in marar badan sidan oo kale ay u dhaceen dhacdooyinkan.

Maamulka degmada Afgooye wali wax war ah kama soo saarin falkan lagu waxyeeleeyay dadka rakaabka ah.

Darawalada ka shaqeeya inta u dhaxeysa gobolada Banaadir iyo Shabeellaha hoose ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ay shaqo joojin sameynayaan hadaan wax laga qaban isbaarooyinka wadada yaalla.

Kooxaha isbaarooyinka dhigta ayaa rasaas ku fura gawaarida marka loo diido lacagaha sharci darrada ah ee ay ka qaataan darawalada iyo dadka rakaabka.

Dowladda Federaalka ayaa in badan ku celcelisay in ruuxii la qabto isaga oo isbaaro dhiganaya lagu xukumayo dil toogasho ah.