U bood dhigaalka

Qof Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha Iyo Xarumo La Dhacay

Sheeko:Dalka

Dableey hubeysanayaa maanta suuqa Bakaaraha dil ugu geystay qof shacab ah oo gudaha suuqa ku sugnaa kadib markii uu diiday sida la sheegay Mobilekiisa oo ay xoog kaga qaadanayeen.

Qofka Shacabka ah ayaa suuqa dhex lugeynayay waxayna dableydu doonaysay inay ka qaataan Mobile uu watay qofkaasi.

Dableydaan hubeysan oo wadatay dharka ciidanka dowladda ayaa dhac ugeystay xarumo ganacsi oo ku yaalla suuqa Bakaaraha.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in suuqa Bakaaraha dhowr xarumood ay lacago kaash ah ka qaateen.

Kooxdani burcadda ah ayaa wadatay Mooto Bajaaj waxaana sidoo kale ay baarasho ku sameeyeen dadkii ka agdhowaa halkii ay dhaca u geysanayeen ee kamidka ah xarumaha suuqa Bakaaraha.

Maalmihii dambe falalkani ayaa ku soo badanayay gudaha suuqa oo ganacsatada ay dhowr kaga cabanayeen meelo kala duwan balse dowladda federaalka gaar ahaan maamulka gobolka uusan dhaq jalaq u siinin kana jawaabin dadkaasi cabashadooda iyadoo maanta qof shacab ah loo diley si loo dhaco.

Suuqa Bakaaraha ayaa jahwareer galaya waxaana arrintani ganacsatada qaar ay ku sheegayaan haddii ay sii socoto in aynaan howlaha ganacsi sii socon Karin.

Goobjoog News