U bood dhigaalka

Qof Shan Kun Oo Shlin Soomaali Ah Darteed Loogu Diley Jowhar Iyo Dibadbax Dhacay

Sheeko:Amniga

Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu maanta nin shacab ah oo ka mid ah dadka iibiya Kalluunka ku diley suuqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halka dilkan uu ka dhacay, askariga ayaa ka dalbaday ninkan inuu bixiyo Shan Kun oo shilin Soomaali ah, balse ninkii ayaa u sheegay inaanu hayn lacag, una soo laabto markii ay wax u gadmaan.

Askariga ayaa intaasi kadib la tilmaamay in uu madaxa xabad uga dhuftay ninkii ka ganacsanayey Kalluunka, isaga oo halkaasina isaga baxsaday.

Xaaladda Jowhar ayaa dilka kadib isbedashay, waxaana isku soo bax sameeyey dadweyne badan oo arrinataasi ka xumaaday.

Hay’adaha ammaanka Jowhar ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan askarigii dilkaasi ka dambeeyey, islamarkaana ku dedaali doonaan sidii loo soo qaban lahaa.

Goobjoog News