U bood dhigaalka

Qof u shaqeynayay Hay’ad Samafal Oo Lagu Dilay Degmada B/xaawo Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada B/xaawo ee gobalka Gedo ku dileen darawal la shaqeynayay Hay’ad samafal oo ka howlgasha degmadaasi.

Raggaan oo ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay rasaas ku furaan darwalkaan oo bartamaha degmadaasi marayay, iyadoo rasaastaasi sidoo kale ay ku dhimatay Haweeney la sheegay in halkaasi ay ku sugneed.

Sidoo kale waxaa goobta falkaan uu ka dhacay ku dhaawacmay Laba qof oo shacab ah, kuwaa oo iyaguna ku dhawaa halka falkaan uu ka dhacay.

Seddax askari oo ka tirsan askarta dowladda Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay dilkaasi ka dambeeyeen, waxaa la qabtay mid ka mid ah, iyadoo Labada kalena la baadi goobayo sida uu inoo sheegay qof ka mid ah dadka ku dhaqan degmada B/xaawo.

Magaca Hay’adda uu u shaqeynayay ninka la dilay weli lama helin, balse waxaa la sheegay inay ahayd hay’ad Wadani ah.

Xaaladda degmada B/xaawo saaka waa mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay wadaan howlgallo baaritaan ah.

Goobjoog News