U bood dhigaalka

Qofkii 2-aad oo Ka Shaqeynayay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Laga Helay Coronavirus

Sheeko:Dalka

Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka Covid 19, sida uu sheegay Xafiiska (UNSOM) ee Muqdisho.

Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob karantiil oo gudaha garoonka ku taalla.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis.

Goobjoog News