U bood dhigaalka

Qofkii Sedexaad Ee Soomaali ah oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyooday Dalka Mareykanka

Sheeko:Caafimaadka

Allah ha naxariistee waxaa Magalaada  Seattle ee Gobolka washington Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyrus ugu geeriyooday Marxuumad Jamiilo Cumar Cabdalla Shujaac oo ka  mid aheyd Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

Waa Qofkii Saddexaad ee u dhintay xanuunka Covid19  oo Soomaali ah  waxaan lagu aasay isla magaalada Seattle ee Gobolka Washinton.

Culimada iyo qeybaha kala duwaan ee Bulshada ayaa uga ka tacsiyadeeyay  qoyska iyo qaraabada ay ka baxday marxuumada waxaana ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay qaataan Fariimaha wacyigelinta ah ee looga hortagyo ama lagu xakameynayo cudurka Covid-19.

Wadanka Maraykanka ayaa ah wadan si aad ugu baahay xanuunka COVID-19, waa wadan faafitaanka xanuunka uu gaaray kaalinta labaad marka laga soo tago wadanka Chine oo hadda soo kabanaayo oo ah halkii uu ka dilaacay.

Goobjoog News