U bood dhigaalka

Qofkii Ugu Horeeyey oo Deegaan Ku Ah Muqdisho oo Laga Helay Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Somaliya ayaa shaacisay iney heshay kiis cusub oo la xiriira xanuunka Corovirus.

War kooban oo la soo dhigay bogga wasaaradda ayaa lagu lagu sheegay in kiiska laga helay Muwaadin Soomaaliyeed oo Rag da’diinuna tahay 58 jir taas oo ka dhigayso kiiska maanta la helay in uu yahay kiiskii 8-aad oo wasaaraddu ay diiwaan geliso.

                                              Halkaan ka Akhriso.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan.

Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8

Tirada bogsashada : 1

Tirada dhimashada : 0”

Goobjoog News